Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muqdhsio: Wariyayaal Xukun lagu Riday


Mid ka mid ah Istuudiyaasha Radio Shabelle
Mid ka mid ah Istuudiyaasha Radio Shabelle
Maxkamad ku taala magaalada Muqdisho ayaa xukunno xabsi ah oo kala duwan ku riddey weriyeyaal lagu soo eedeeyey inay abuureen warar been ah oo la xiriira kufsi.

Weriyeyaasha la xukumey ayaa kala ah Abdimalik Yusuf Mohamud oo ah milkiilaha idaacadda Shabeelle, Maxamed Bashiir Xaashi oo isna ka tirsan idaacadda Shabeelle, iyo Faadumo C/qaadir oo ah suxufiyad sheegatay in la kufsaday.

Wariye Maxamed Bashiir Xaashi ayaa lagu xukumay lix bilood oo xabsi ah oo uu iibsan karo, milkiilaha idaacadda Shabelle ayaa isagana lagu xukumay hal sano oo xabsi ah oo uu iibsan karo, iyo gabadha sheegtay in la kufsaday oo iyadana lagu xukumay lix bilood oo dibad-joog ah ama ay gurigeeda ku qaadanayso.

Warbixin arrintaasi ku saabsan ka dhegayso qaybta hoose ee boggan.

please wait

No media source currently available

0:00 0:02:50 0:00
XS
SM
MD
LG