Isku xirrada

Obama oo ka Qeyb Galaya Xuska Mandela


Kumanaan qof ayaa Axaddii shalay iskugu yimid kaniisadaha dalka K. Afrika, si ay ugu duceeyaan, una sharfaan Nelson Mendala oo geeriyooday, iyaga oo u aqoonsan inuu yahay aabihii K. Afrikada cusub.

Madaxweynaha hadda ee dalkaas Jacob Zuma oo sugnaa kaniisad ku taalla magaalada Johannesburg, ayaa Illaahay uga mahad celiyey in Mandela uu yahay qof ka dhasay reer K. Afrika.

Haweenaydii hore ee Mandela, Winnie oo weheliyaan caruurtii uu Mandela awowga u ahaa, iyo waliba xubno kale oo qoyskooda ah ayaa iyaguna joogay salaadihii shalay loogu duceynayey.

XS
SM
MD
LG