Isku xirrada

Dibad Baxyo Waaweyn oo Ka Dhacay Ukraine


Dadka reer Ukrain ayaa isugu soo baxay dibad bax balaaran oo ka dhacay maanta caasimadda dalkaasi ee Kyef, kaasoo ay ku cambaareynayeen dowladda Madaxweyne Viktor Yanukovyc, isla markaana ay ku doonayeen inay ku cadaadiyaan inuu ka hor qorshooyinkiisa ku aadan cilaad dhow oo uu la yeesho Ruushka.

Boqolaal kun oo qof oo lulayay calanka Midowga Yurub iyo kan dalkaasi Ukrain ayaa isugu soo baxay fagaalada xuriyadda ee magaalada Kyiv, iyadoo diidan go’aanka dowladda ay ku diiday inay saxiixdo heshiis ganacsi oo dalkaasi uu la gali lahaa Midowga Yurur, iyadoo u riyaaqeysa sii xoojinta heshiis kale oo ay kula jirto xukumadda Mosco.

Warqad ay dadkii dibad baxayay ka hor aqrisay gabadha ay dhashay, hogaamiyaha mucaaradka ee xabsiga ku jirta, horeyna dalkaasi uga soo noqotay Ra’isul Wasaare Yulia Tymoshenko, ayey ku sheegtay in Mr. Yanukovych, madaxweynaha talada haya uu lumiyay kalsoonida shacabka iyo sharicyadda madaxweynenimo, iyadoo ugu baaqday inuu xukunka ka dego.
XS
SM
MD
LG