Isku xirrada

War Deg-Deg ah

USA: Website-kii ObamaCare oo la Hagaajiyey


Saraakiisha Aqalka Cad ee Maraykanka ayaa sheegay in ay gaareen yoolkii ay higsanayeen ee ahaa inay hagaajiyaan websiteka la iskaga diiwaan galiyo barnaamijka daryeelka caafimaadka.

Jeffrey Zeints oo madaxweyne Obama uu u magacaabay hagaajinta websiteka ayaa warfidiyeenada u sheegay in websiteka oo cinwaankiisu yahay Healthcare.gov uu hadda habeen iyo maalinba shaqeynayo. 1da December oo shalay ku beegneyd ayaa loo qabtay in la hagaajiyo oo uu si wanaagsan u shaqeeyo.

Mr. Zients waxa uu sheegay in websiteku uu hadda xamili karo dad gaaraya 50 kun oo qof oo hal mar booqanaya, isaga oo maalintiina ay booqan karaan 800 kun oo qof. Waxa uu sheegay in websiteku uu 90% si wanaagsan u shaqeynayo.

Ma jirto si madaxbanaan oo la xaqiijiyo macluumaadkan uu maamulka Obama bixiyey.
XS
SM
MD
LG