Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Baarlamanka oo Bilaabay Ka Doodista Moooshinka


Baarlamanka Somalia ayaa si rasmi ah maanta u bilaabey ka doodista mooshin ka dhan ah Raiisul Wasaare Abdi Farah Shirdoon.

Mooshinkaasi ayaa xildhibaadana soo gudbiyey waxay doonayaan in kalsoonida lagala laabto raiisul wasaaraha oo ay ku eedeeyeen inuu ka soo bixi waayey waajibaadkiisa.

Doodda maanta ayaa mudaneyaasha baarlamanka waxay diideein in raiisul wasaaruhu uu hor yimaado baarlamanka si uu isaga difaaco eedaha loo soo jeedinayo.

Waxaa mooshinkani uu yimid kadib markii khilaaf uu ka dhex aloosmey Madaxweynaha Somalia Hassan Sheikh Mohamud iyo raiisul wasaaraha.
Madaxweynaha ayaa ka dalbadey raiisul wasaaraha inuu is casilo, hase yeeshee raiisul wasaaruhu waa uu diidey dalabkaasi.

Warbixin ku saabsan kulankii Baarlamanka ee Maanta halkan hoose ka dhageyso.

Dhageyso warbixinta Baarlamanka - 5:59
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:56 0:00
XS
SM
MD
LG