Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xulka Qaranka Somalia oo 1-0 Looga Badiyay


Tartanka ciyaaraha kubadda cagta ee horyaalka bariga iyo bartamaha Africa ayaa weli ka socda dalka Kenya. Goor dhow waxaa dhamaatey cayaar dhexmartey xulalka Somalia iyo Tanzania. Waxaana Gool iyo eber ku badiyey xulka dalka Tanzania.

Goolka qura ee looga badiyey xulka Somalia ayaa la dhaliyey qeybtii labaad ee cayaarta. Labada xul ayaa muujiyey ciyaar adag oo farsamadeeda sareyso.

Xulka Somalia ayaa ciyaartii tan ka horeysey waxaa laba iyo eber uga adkaadey xulka dalka Burundi. Waxaa Somali u harsan oo ay la cayaari doontaa xulka dalka Zambia.
XS
SM
MD
LG