Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Hogaamiyhii Af-gambigii Mali oo La Qabtay


Amadou Sanogo
Amadou Sanogo
Dawladda dalka Mali ayaa xabsiga dhigtay hoggaamiyihii af-gambigii milatari ee sanadkii hore General Amadou Sanogo.

Afhayeen u hadlay General Sanogo ayaa laanta afka faransiiska ee VOAda u sheegay inay ciidamada ammaanku ay gurigiisa oo ku yaalla bartamaha magaalada Bamako ay ka kaxaysteen.

Sanogo ayaa la horgeeyay xaakiinka maxkamadda oo marar kala duwan u soo qoray waaran qabasho ah kuwaasi oo uu iska indha tiray.

Xeer ilaaliyaha guud ee dalka Mali Daniel Tessouge ayaa u xaqiijiyay VOA in la qabtay General Sanogo isla markaana lagu soo oogay dacwado la xidhiidha falal dil ah.

Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay in Sanogo wali lagu hayo xabsiga oo uu ku jiro gacanta ciidamada ammaanka ee dalkaasi.
XS
SM
MD
LG