Isku xirrada

Ciyaaraha SECAFA oo Berri Furmaya

  • Abdullahi Colombo

Magaalada Nairobi ee dalka Kenya maalinta berri oo Arbaca ah bisha November-na ay tahay 27ka, waxaa si rasmi ah uga bilaaban doona tartanka qaramada kubada cagta ee Bariga iyo Bartamaha Africa.

Xulalka ciyaarahaas ka qeyb galaya ayaa waxaa ka mid ah Soomaaliya oo haatan ay ciyaartoydeedu ku sugan yahiin Magaalada Nairobi.

Xulka qaranka kubadda cagta Soomaaliya oo ku jira Group-ka B, ayaa la Ciyaari doona xulalka Zambia, Tanzania iyo Brundi.

Tababaraha xulka Soomaaliya Maxamed Cabdule Farayare, ayaa khadka taleefanka ee magaalda Nairobi ugu waramay Cabdullaahi Kolombo, wareysiga oo dhanna halkan hoose ka dhageyso.

XS
SM
MD
LG