Isku xirrada

UNHCR: Lama Xirayo Xeryaha Qaxootiga


Qaramada Midoobay ayaa mar kale sheegtey in dib u celinta qaxootiga Soomaalida lagu saleyn doono sida uu dhigayo heshiiskii dhowaan ay wada gaareen Somalia, Kenya iyo laanta qaxootiga ee UNHCR.

Heshiiskaasi ayaa dhigaya in dib u celintaasi ay noqoto mid khiyaari ah oo aan qaxootiga la qasbin.

Wasiirka Amniga ee Kenya Joseph Ole Lenku oo ay soo xigteen warbaahinta Kenya ayaa amar ku bixiyey in dhamaan xeryaha qaxootiga ee dalka ku yaala la soo xiro, qaxootigana ay dib dalkooda ugu laabtaan.

Afhayeenka UNHCR ee dalka Kenya Kitty McKinsey oo wareysi siisay weriyaha VOA Maxamud Ibrahim Cali, ayaa waxay sheegtay inaanu jirin qorhse lagu xirayo xeryaha qaxootiga.

XS
SM
MD
LG