Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Hargeysa: Mashruuca Horumarinta Caanaha


Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa maanta magaalada Hargeisa ka furay mashruuc lagu horumarinayo wax soo saarka caanaha oo ay ku baxayso afar million iyo bar Euro ( 4.5 million euro).

Mashruucan oo socon doona muddo saddex sanno ah aya la filayaa inay ka faaideystaan ilaa iyo shan boqol oo kun oo qof.

Munaasibadii daahfurka oo ka dhacday magaalada Hargeisa ayaa sidoo kale waxaa ka soo qeybgaley wafti ka socday Midowga Yurub oo iyagu maalgaliyay mashruucan.

Weriyaha VOA ee Hargeisa Cabdixakiim Maxamuud Shirwac ayaa mashruucan ka waraystay Wasiirka Xanaanada Xoolaha Somaliand Dr Cabdi Aw Daahir Cali, waxaana uu ugu horeyn weydiiyey inuu faafaahin ka bixiyo mashruucan.

Mashruuca Caanaha Somaliland - 5:10
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:08 0:00
XS
SM
MD
LG