Isku xirrada

Wadahadallada Iran iyo Dalalka Quwadda leh


Iran iyo lixda dal ee dunida ugu xoogga roon ayaa maalintii 3aad waxay wadaxaajood ku leeyihiin magaalada Geneva, halkaas oo ay isku dayayaan inay isaga soo dhowaadaan heshiis KMG ah oo lagu xakameynayo barnaamijka nuclearka Tehran, taas oo beddelkeeda looga khafiifinayo cunaqabateynta saran.

Diblomaasiyiinta labada dhinac ayaa ku soo waramaya inuu jiro horumar la sameeyey maalintii Khamiista, laakiin waxay intaa ku dareen inay weli jiraan qodobo la isku mari la’ yahay.

Qodobka sida weyn muranka uga taagan yahay ayaa ah xaddiga macdanta yuraniyamka ee loo oggolaanayo Iran inay bacrimiso, sida uu sheegey mid ka mid ah ka qeybgalayaasha.

Qodobka kale ayaa ah inta ay la ekaaneyso khafiifinta cunaqabateynta saran Iran.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Iran Mohammad Javad Zarif iyo Catherine Ashton, oo ah madaxa siyaasadda arrimaha dibedda ee Midowga Yurub, ayaa dhowr jeer kulamo yeeshey tan iyo maalintii Arbacada, si ay uga shaqeeyaan faraqa u dhexeeya labada dhinac.

Wararka ayaa sheegaya in xitaa maanta ay labadaa mas’uul kulan gaaban yeesheen.
XS
SM
MD
LG