Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Karzai oo Taageerey Heshiiska Dalkiisa iyo USA


Madaxweynaha Afghanistan ayaa sheegey inuu taageerayo heshiiska iskaashiga dhinaca amaanka ee dalkiisu la gaarey Mareykanka.

Madaxweyne Hamid Karzai oo la hadlayey xubno gaaraya 2500 oo ah hoggaamiyeyaasha qabaailka ayaa difaacay heshiiska laba geesoodka ee dhinaca amaanka ee lala galey xukuumadda Washington, isagoo ku adkeystey in heshiiskani uu faaido badan u leeyahay Afghanistan mustaqbalka soo socda.

Waxaa uu sheegey inuu haysto taageerada waddamada sida weyn ay bah wadaagta u yihiin Afghanistan iyo kuwa deriska intaba marka laga reebo Iran, waxaana uu ugu baaqey aqalka odayaasha ee loo yaqaano Loya Jirga, inay codkooda ku taageeraan , kuna ansixiyaan heshiiskan dhinaca amaanka la xiriira.

Mr. Karzai ayaa sheegey in xitaa hadii aqalka Loya Jirga iyo baarlamanka ay ansixiyaan heshiiskan, laga yaabo in si rasmi ah qalinka loogu duugo sannadka 2014ka, doorashooyinka madaxweynenimada kadib.

Heshiiskan ayaa hadii qalinka lagu duugo waxaa uu dhaqan galayaa 1da bisha January, sannadka 2015, waxaana uu ciidamada Mareykanka iyo shaqaalahooda rayidka u oggolaanaya inay 10 sanno oo kale amaba muddo intaas ka dheer sii joogaan Afghanistan.
XS
SM
MD
LG