Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Jawaari: Ha La Maal-gashto Somalia


Guddoomiyaha Baarlamaanka,Mr Jawaari
Guddoomiyaha Baarlamaanka,Mr Jawaari
Dalka Kuwait waxaa lagu soo gabagabeeyey shir-madaxeedka dalalka Afrika iyo Carabta, waxaana Somalia uga qeybgaley Guddoomiyaha Baarlamanka Maxamed Sh.Cismaan Jawaari oo ugu baaqay dalalka ka qayb galay shirka inay maal-gashadaan Somalia.

Shir-madaxeedkan ay dalalka Afrika iyo Carabtu ay ku gorfeynayeen inay iska kaashadaan dhinacyada dhaqaalaha, iyo maalgashiga.

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo hor kacayay wafdiga Somalia ayaa sheegay in Somalia ay ka soo kabanayso dagaaladii mudada badan socday.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in la joogo wakhtigii dalalka carabta iyo afrika ay ka faa'idaysan lahaayeen fursadaha maalgashiga ee ka soo bidhaamaya Somalia
XS
SM
MD
LG