Isku xirrada

War Deg-Deg ah

San Diego: Soomaali Xabsi lagu Xukumay


Justice
Justice
Maxkamadda dembiyada ee magaalada San Diego ee gobolka California ayaa xukun xadhig ah ku riday saddex nin oo Soomaali ah oo lagu helay falal la xidhiidha caawimaad lacageed oo ay u fidiyeen urrro argagixiso oo in mudo ahba kiiskoodu soo jiitamayay.

Sedsexda nin ee la xukumay oo kala ahaa Basal Macalim oo lagu xukumay 18 sano oo xadhig ah, Sheikh Maxamed-Khadar Maxamuud oo ahaa imaamkii masjidka San Diego oo isna lagu xukumay 13 sano oo xadhig ah, iyo Ciise Dhoore oo 10 sano lagu xukumay.

Sahra Ciidle Nuur ayaa hadaba sida uu xukunkaasi u dhacay ka waraysatay, Asad Cabdiqaadir Maxamed oo ah madaxa booliiska bulshada ee magaalada San Diego.

Wareysiga oo dhan halka hoose ka dhageyso.

Wareysiga Asad Cabdulqaadir - 5:39
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:36 0:00
XS
SM
MD
LG