Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wicitaanka: Dufaanta Iyo Daadadka Somalia


Dhawaan waxaa duufaan xooggan oo watay roobab mahiigaan ay ku dhufatay deegaano xeebeedka waqooyi Bari Somalia, ee Dhulka Nugaasha ah ee Garowe ee Puntland.

Maamul Goboleedka Puntland ayaa ilaa iyo hadda xaqiijiyay in 140 qof ay ku dhinteen duufaantaasi, Puntland waxey sheegtay in tirada dhimashada ay intaasi ka badan karto.

Sida ay sheegtay Puntland, duufaantu waxey saameysay in ka badan 300 oo kun oo qof, oo badankood ku nool xeebaha Bari ee badweynta India.

Dhinaca kale, dhibaato ka dhalatay fatahaad uu sameeyay wabiga shabeelaha Dhexe oo bilihii u dambeeyay soo jiitamaysay, ayaa haatan un lagu baraarugayaa inay gaartay heer musiiba ah.

Hadaba barnaamijkeena oo aan umuurtaas ku eegeyno waxaa marti ku ah Gudoomiyihii hore ee hay'adda Maareynta Musiibooyinka Qaran ee Somalia Cabdullahi Maxamed Shirwac.

Barnaamijka oo dhameystiran hoos ka dhageyso.

please wait

No media source currently available

0:00 0:22:57 0:00
XS
SM
MD
LG