Isku xirrada

Dagaal ka Dhacay Shabeellada Hoose


Ugu yaraan 11 qof ayaa ku dhimatay, tiro kalena way ku dhaawacantay, dagaalo xooggan oo saaka iyo galabta ku dhex maray deegaanka No. 50 ee Gobolka Shabeellada Hoose, ciidamo iska soo horjeeda oo daacad u ah dowladda Somalia. Dagaalkan ayaa dhex maray maleeshiyo daacad u ah gudoomiyaha degaanka Lambar Konton ee maamulka gobolka Shabeelaha hoose iyo Ciidamada milatariga dowladda Somalia. Wariyeheena Maxamed Colaad Xassan ayaa khadka taleefanka kula xiriiray Gudoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose C/qaadir Maxamed Nuur Siidii, wuxuuna ugu horeyn weydiiyay bal inuu faahfaahiyo dagaalkan.

XS
SM
MD
LG