Isku xirrada

War Deg-Deg ah

CIA oo Uruurineysa Xogta Shirkadaha Xawilaadda



Laba ka mid ah wargeysyada dalka Mareykanka ayaa soo bandhigey in hay’adda Sirdoonka Mareykanka ee CIA ay uruuriso xogta shirkadaha dunida ee lacagaha dira, iyagoo isticmaalaya sharci la mid ah kan ay adeegsatey hay’adda nabadsugidda qaranka ee NSA ee uruurinta xogta dadka ee telefonada iyo internetka.

Wargeysyada The New York Times iyo The Wall Street Journal ayaa maanta soo daabacay in saraakiil Mareykan ah oo dowladda ka tirsan iyo kuwo hawlgab ah , diideyna in magacyadooda la xuso ayaa xaqiijiyey jiritaanka barnaamijka noocaasi ah.

Warbixinada ay wargeysyada soo bandhigeen ayaa sheegaya in barnaamijkan gaarka ah ee la socodka dhaqdhaqaaqa lacageed uu hoos yimaado sharci soo baxay weeraradii 11ka September kadib.

Mid ka mid ah shirkadaha lagu xusey warbixinadan ayaa ah Western Union Money Transfer.
XS
SM
MD
LG