Isku xirrada

Jawaari: Yaan la Buun-buunin Khilaafka


Madaxweyne Xassan iyo Ra'iisul-wasaare Saacid

Madaxweyne Xassan iyo Ra'iisul-wasaare Saacid

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Cismaan Jawaari ayaa xildhibannada baarlamaanka ugu baaqay inaysan buunbuunin khilaafka u dhaxeeya madaxweynaha iyo ra'iisul-wasaaraha.

Shir jaraaid oo uu ku qabtay Muqdisho ayaa wuxuu ku sheegay in khilaaf kasta oo jira xal laga gaari karo, isagoo ku booriyay inaysan xildhibaannadu ka hor-dhicin khilaafka jira ilaa baarlamaanka la horkeenayo.

Khilaafka u dhaxeeya madaxweynaha iyo ra'iisul-wasaaraha ayaa dhashay kadib markii ra'iisul-wasaaruhu uu diiday iscasilaad uu ka dalbaday madaxweynuhu.

XS
SM
MD
LG