Isku xirrada

Daraasad laga sameeyey Soomaalida Yurub


Daraasad horudhac oo hay’adda caalamiga ee Open Society ku sameysey nolosha Soomaalida ku dhaqan Yurub ayaa lagu soo bandigey magaalada London.

Sheekooyin la xiriira nolosha Soomaalida ee toddoba magaalo oo Yurub ka mid ah ayaana lagu soo bandhigey daraasaddan, waxaana waxyaabaha lagu eegey ka mid ah, caqabadaha ay la kulmaan, iyo waxyaabaha ay ku wanaagsan yihiin intaba.

Mas'uuliyiinta ka qeyb qaatey daraasaddan aya VOA u sheegey in ujeeddada laga leeyahay ay ahayd in caalamka loo gudbiyo fikirka saxda ah ee Soomaalida ku nool Yurub iyo waxyaabaha ay qaban karaan.

Waxaa kale oo ay sheegeen warbaahinta Yurub iyana loo baahan yahay inay wax ka bedesho qaabka ay wax uga qorto Soomaalida, oo haatan ah mid sawir aan wanaagsaneyn bixinaya.
XS
SM
MD
LG