Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Gargaar la Gaarsiinayo Puntland


Mas’uuliyiinta maamul goboleedka Puntland ee Somalia ayaa sheegey in tirada ilaa iyo haatan la og yahay ee ku dhintey duufaantii dhowaan degaanadaasi ku dhufatey oo wadatey roobab iyo dabeylo xooggan ay gaareyso 140 ruux.

Maamulka ayaa sheegey in in dad badan weli la la’ yahay, iyadoo duufaanta ay sababtey oo kale burburka guryo badan, doomaha kaluumeysiga iyo xoolo badan oo ku le’day.

Dowladda Somalia ayaa dhibaatada halkaa ka dhacdey ku tilmaantey inay tahay masiibo qaran, waxayna beesha caalamka ugu baaqdey in gargaar degdeg ah lala soo gaaro dadka ay dhibaatooyinka ku habsadeen.

Dhanka kale wararka laga helayo degaanada ay duufaantu saameysey ayaa sheegaya in halkaasi ay gaareen gargaar kooban, isla markaana waddooyinka qaar oo xiran ay sababeyso in meelaha qaar la tegi waayo. i badan uu ka jiro.

Waxaa iyana jira warar ka imanaya Somaliland oo sheegaya in roobab xooggan ay halkaasi ka geysteeen khasaare isugu jira dhimasho iyo guryo dumey.

Khasaaraha la ogyahay illaa hadda ayaa ah in laba qof dhinteen, illaa 50 gurina ay dumeen, xoolo aan tiradooda la hayna ay roobabkaasi dileen.
XS
SM
MD
LG