Isku xirrada

War Deg-Deg ah

RW: Waa Dhab Muranka Aniga & Madaxweynaha


Madaxweyne Xasan iyo Ra'iisul-wasaare Saacid
Madaxweyne Xasan iyo Ra'iisul-wasaare Saacid
Ra'iisul-wasaare Saacid ayaa qiray inuu jiro is-maandhaaf u dhaxeeya isaga iyo madaxweynaha, wuxuuse sheegay inuusan ahayn mid siyaasi ah balse uu yahay mid dastuuri ah oo lagu xalin karo ku dhaqanka dastuurka Somaaliya.

War saxaafadeed laga soo saaray xafiiska ra'iisul-wasaaraha ayaa lagu sheegay in ra'iisul-wasaaruhu uu ka xun yahay ismaadhaafka soo kala dhex-galay isaga iyo madaxweynaha.

War saxaaafadeedka ayaa lagu sheegay in Ra'iisul-wasaare Saacid uu ka codsanayo ummadda Soomaaliya inay ku kalsoonaadaan madaxdooda iyo baarlamaanka Soomaaliya oo iyagu xal u heli kara ismaadhaanka haatan jira.

Ra'iisul-wasaare Saacid ayaa amray hay'adadha dowladda inay howshooda si wataan, siina laba jibbaaraan adkeynta nabadda iyo habsami u fulinta howlahaooda.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa ka codsaday ra'iisul-wasaare Saacid inuu xalka ka dago, hasse yeeshee warar laga helayo Muqdisho ayaa xaqiijiyay in ra'iisul-wasaarugu uu ku gacan seyray codsiga ka yimid madaxweynaha.

Dhageyso warbixin ku aadan doorka Baarlamanka ee Khilaafka Madaxda Somalia - 7:33
please wait

No media source currently available

0:00 0:07:33 0:00
XS
SM
MD
LG