Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweynaha oo Codsaday Is casilaadda R/Wasaaraha


Ra'iisul-wasaare Cabdi Faarax Shirdon Saacid
Ra'iisul-wasaare Cabdi Faarax Shirdon Saacid
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la sheegay inuu ka codsaday Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid inuu iscasilo.

Warar lagu kalsoon yahay oo aanu ka helnay ilo kala duwan oo ay ku jirana ilo wareedyo ka tirsan dawladda Soomaaliya balse magacooda qariyey maadaama aan loo oggolayn inay arrintan ka hadlaan ayaa idaacadda VOA u sheegay in madaxtooyada Soomaaliya ay dalabkaasi u bandhigtay Ra’iisul Wasaare Saacid, oo wararku sheegayaa inuusan aqbalin markiiba.

Ilaa hadda ma cadda tallaabada xigta ee uu qaadi doono Ra’iisul Wasaaraha. Sidoo kale warar lagu kalsoon yahay ayaa idaacadda VOA u sharxey in Ra’iisul Wasaare Saacid uu kulamo la leeyahay la-taliyayaashiisa.

Ilaa hadda ma cadda sababaha ka dambeeya in madaxweynuhu uu ka dalbado Ra’iisul Wasaaraha inuu is casilo. Laakiin wararka qaarkood oo aanu ka helnay ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaruhu uu waayey kalsoonida dhowr ka tirsan Golihiisa Wasiirrada; halka warar kalena ay sheegayaan in madaxtooyada iyo xafiiska ra’iisul wasaaruhu ay isku maan-dhaafeen qaabka ay u dhacayso isku shaandhayn uu ra’iisul wasaaruhu sheegay in lagu samayn doono golaha wasiirrada.

VOA waxay la xidhiidhay Xafiiska Madaxweynaha iyo kan Ra’iisul Wasaaraha, labaduba wey ka gaabsadeen inay ka hadlaan wararkan oo ilo kala duwanna ay VOA u qireen.
XS
SM
MD
LG