Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Duufaan ku Dhufatay Xeebaha Puntland


Duufaan wadata Roob iyo Dabaylo xoggan oo Muddo 24 Saac iyo in ka badan haysay xeebaha Puntland ayaa lagu soo waramaya in ay gaysatay khasaaro dhimasho oo aad u badan.

Dowladda Puntland ay sheegtay in dhimashada ay gaarayso ku dhowaad 100 Qof iyada oo qaar ka mid ah dadka deegaanku ay VOAda u xaqiijiyen in Labaatan qof la hubo dhimashadooda.

Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Faroole ayaa sheegay in meelaha ugu sii daran ay yihiin saddex-geeska Dan-gorayo, Beyra iyo Eyl.

Waxaana uu ku dhawaaqay in la aasaasay guddi gurmadka deg degga ah u qaabilsan.

Warbixin faahfahsan oo arrintan ku saabsan iyo hadalka Madaxweyne Faroole ka dhegayso qaybta hoose ee boggan.

please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:05:33 0:00

Hadalka Madaxweynaha Puntland - 3:08
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:10 0:00
XS
SM
MD
LG