Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dagaal Qaraar oo ka Dhacay Duleedka Jowhar


Dagaal Culus oo Dhuuse-mareeb ka Dhacay
Dagaal Culus oo Dhuuse-mareeb ka Dhacay
Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhintay tira kalena wey ku dhaawacmeen, ka dib markii ay sii xoogeysteen dagaalo beeleedyo maalmahan ka socday duleedka mgaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe.

Dagaaladan ayaa ka bilowday muran labada beelood ee diriraya u dhaxeeya oo ku aadan la’aanshaha dhul beereed.

Shalay ayaa madaxweynaha Somalia mar uu booqday Jowhar waxa uu ugu yeeray beelaha dagaalamaya in colaadda ay joojiyaan oo miiska wada xaajoodka ay isugu yimaadaan.

Gudoomiyaha gobolka Shabeelaha Dhexe Cabdi Jiinow ayaa u sheegay VOAda in odayaal nabadoonna ah ay u direen halka uu dagaalka ka socdo, dowladda Soomaaliyana ay diyaarineyso ciidan kala dhex gala maleeshiyo beeleedyada dagaalamaya.

Wareysiga dagaalkaasi halka hoose ka dhageyso.

Dhageyso Wareysiga Gudoomiye Cabdi Jiinow - 5:28
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:27 0:00
XS
SM
MD
LG