Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Soomaali ka Tartamaysa Doorashada Minnesota


Maanta waxa dalka Maraykanka ka bilaabanaya doorashooyinkii deegaanada iyo kuwa guddoonka waxbarashada. Doorashooyinka oo Maryakanka oo dhan ka dhacaya ayaa haddana bulshada Soomaalidu ay si gaar ah u eegayaan doorashooyinka gobolka Minnesota.

Waxa jira tiro Soomaali ah oo magaalooyinka kala duwan ee Minnesota ah ka sharaxan, iyada oo magaalada Minneapolis kaligeed ay ka sharaxan yihiin 5 tartame oo xilal kala duwan u taagan.

Maxamed Cabdi Sandhere ayaa warbixintan inooga diyaariyey rajada ay tartamayaashaasi qabaan.
XS
SM
MD
LG