Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mursi oo Maxkamad la Horkeenay


Madaxweynihii xilka laga tuurey ee Masar Maxamed Mursi iyo xubno sare oo ka tirsan Ururka Ikhwaanul Muslimiin ayaa maanta la soo taagey maxkamad ku taala duleedka magaalada Qaahira.

Mr Mursi iyo 14 xubnood oo Ikhwaanul Muslimiinka ka tirsan ayaa waxaa lagu soo oogey dacwad la xiriirta inay soo abaabuleen dilka dad banaanbaxyo ka hordhigayey aqalka madaxtooyada sannadkii tegey.

Amniga ayaa si weyn loo adkeeyey magaalada , gaar ahaan goobta ay maxkamaddu ku taallo.

Taageerayaasha Mursi ayaa banaanbaxyo ka hor dhigay maxkamadda iyo qeybo ka tirsan magaalada Qaahira.

Qaybta hoose ee boggan waxaad ka dhegaysan kartaan warbixin iyo faallo ku saabsan arrintan.
XS
SM
MD
LG