Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shirkii Jubbooyinka ee Muqdisho oo Dib u Dhacay


Shirkii dib u heshiisiinta dhinacyada isku haya gobollada Jubbooyinka oo maanta (Sabti) lagu waday inuu ka furmo magaalada Muqdisho ayaa dib u dhacay.

Wasiir kuxigeenka warfaafinta ee dowladda Soomaaliya, C/shakuur Mire ayaa VOA u sheegay in dib u dhac ku yimid qaar ka mid ah ergadada shirka ka qeybgali lahayd ay keentay in shirka dib loo dhigo.

C/shakuur wuxuu sheegay in shirku berrito (Axad) uu si rasmi ah uga furmi doono Muqdisho.

Shirkan waxaa la filayaa inay ka soo qeybgalaan ergooyin fara badan, wuxuuna daba socdaa shirkani heshiiskii Addis Ababa ee ay ay wada gaareen dowladda Somalia iyo maamulka KMG ee Jubba.

Shirkan ayaa la filayaa in lagu dhammeeyo muran u dhaxeeya dhinacyada kale duwan, kadibna lagu jeexo khariidad ama qaabkii loo soo dhisi lahaa maamul rasmi ah oo loo dhan yahay oo loo dhiso gobollada Jubbooyinka.

Shirkan ayaa dhowr jeer oo hore dib u dhacay,
XS
SM
MD
LG