Isku xirrada

Kenya oo Duqeysay Xero al-Shabab ay ku Tababarato


Ciidamada Kenya oo ku sugan Gudaha Somalia

Ciidamada Kenya oo ku sugan Gudaha Somalia

Dawladda Kenya ayaa sheegatay in ciidankeedu ay duqayn ka gaysteen Raama-Caddeey ee gobolka Bay.

Kenya waxay sheegtay in diyaaradaheedu ay burburiyeen xarun tababar oo ay al-Shabaab ku lahayd meel lagu magacaabo Hurguun oo u dhow deegaanka Raama-Caddeey.

Kenya ayaa sheegtay in weerarkaasi lagu burburiyay afar baaburta dagaalka ah iyo hub halkaasi yeelay.

Kenya ayaa intaasi ku dartay in goobta duqayntu ka dhacday ay ku sugnaayeen ilaa 300 oo ka tirsan maleeshiyada al Shabaab kuwaasi oo badankooda la aaminsanyahay in ay dhinteen qaar kalena ay dhaawacmeen, sida lagu sheegay war saxaafadeed ka soo baxay ciidamada Kenya.

Weerarkan ayaa sida ay Kenya Sheegtay waxa uu daba socday weerar todbaadkii hore ka dhacay agaagarka Jilib oo lagu bartilmaamedsaday sarkaal al Shabaab ah.

Ilo wareedyo ku dhow dhow al Shabaab ayaa xaqiijiyay in weerarkaasi uu dhacay balse waxay ku tilmaameen in khasaaruhu aanu sidaas u badnayn
XS
SM
MD
LG