Isku xirrada

Cudurka Dabeysha oo ka Dilaacay Syria


Afhayeen u hadlay WHO ayaa sheegay maanta oo talaada ah inay baaris ku hayaan 12 caruur ah oo kale oo ay ka muuqdaan calaamado la mid ah kuwa cudurka dabeysha.

Kiisaskan Dabeysha ee la xaqiijiyay ayaa waxaa ku jira caruurta la helay kuw aad u yar yar – kuwaas oo la aaminsanyahay inaysan horey u qaadan talaalka ka hortagga dabeysha.

Cudurka Dabeysha ayaa ah mid la isugu gudbin karo cunada iyo biyaha.
Dalka Syria ayaan cudurkan lagu arag tan iyo sanadkii 1999kii, laakiin WHO ayaa ka digtay horaantii bishan in dalkaasi uu halis xooggan ugu jiro xanuuno badan, sababo la xiriira colaadda ka sii socota iyo adeegii caafimaad ee dowliga ahaa oo aysan shacabka intooda badan heli karin.

Afhayeen u hadlay WHO ayaa ka digay in maadaama dabeysha la isqaadsiiyo dadka faraha badan ee ka cararaya dalkaasi ay isu gudbin karaan, sidoo kalena ay u gudbin karaan dadka ku nool dalalka ay u talaabaan.
XS
SM
MD
LG