Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Jilib: Weerar lala Beegsaday al Shabaab


Diyaaradaha aan duuliyuhu wadin
Diyaaradaha aan duuliyuhu wadin
Wararka ka imanaya Koonfurta dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in diyaarad looga shakisna yahay inay tahay nooca aan duuliyaha wadin ay duqaysay baabuur uu saarnaa sarkaal sare oo ka tirsan ururka al-shabab.

Sarkaalkan oo lagu magacaabo Ibraahin Cali Cabdi ayaa warar lagu kalsoon yahay ay idaacadda VOA u sheegeen inuu al-shabab u qaabilsanaa qaraxyada ismiidaaminta ah.

Wararka ayaa sheegaya in baabuurka lala beegsday saddex gantaal.

Xubin kale oo ka tirsan al-shabab oo la socday baabuurka uu sarnaa sarkaalkaasi ayaa la sheegay in isagana lagu dilay weerarka oo ka dhacay degaan bariga ka xiga magaalada Jilib.

Ma jiraan warar arrintan ku saabsan oo ilaa imika ka soo baxay dawladda Maraykanka.
XS
SM
MD
LG