Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dowladda oo Xirtay Radio Shabeelle


Ciidamo ka tirsan Booliska Dowladda Federalka ee Somalia ayaa saakay xoog ku galay xarunta Radio Shabeelle ee magaalada Muqdisho, iyagoo hawada ka saaray idaacadda xabsigana u taxaabay qaar ka mid ah weriyeyaashii iyo masuuliyiintii idaacadda ee xilligaa ku sugnaa xarunta.

Saraakiisha dowladda ee dhinaca amaanka ayaa sheegay in talaabadan ay ka dambeysay markii Idaacaddu ay iska dhega tirtay amar ay uga guuri laheyd kama dambeysta 25kii bishan dhismahaasi oo ah dhismo dowladeed.

Mililaha Maamulka Idaacadda Cabdi Malik Yuusuf Maxamud oo ka mid ah xubnihii ay boolisku xarunta ka kaxeeysteen ayaa isagoo ku xiran Xarunta CID ayaa VOA u sheegay in dhismahaasi ay ku degenaayeen heshiis ay horey dowladda ula galeen oo dhigayay inay dhismaha dagannaadaan ilaa 2015ka.

Idaacadda Shabeelle ayaa ka mid ah radiyayaasha gaarka loo leeyahay ee madaxa banaan ee muqgisho laga hirgeliyay burburkii dowladii dhexe ka dib.

Wariyeyaal dhowr ah oo idaacadda ka tirsanaa ayaa waxaa intii ay jirtay lagu dilay magaalada Muqdisho.
XS
SM
MD
LG