Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wiil Soomaali ah oo lagu Dilay Minnesota


Minnesota: Hooyo Soomaaliyeed oo ka Hadashay Gabadheeda oo Arrintii Dhalinyarada u Xiran
Minnesota: Hooyo Soomaaliyeed oo ka Hadashay Gabadheeda oo Arrintii Dhalinyarada u Xiran

Wiil Soomaali ah lagu magacaabo Cabdicasiis Yuusuf Jaamac oo ka mid ahaa dhalinyarada ku nool gobolka ay Soomaalidu u badanyihiin ee Minnesota ayaa u dhintay rasaas ay koox dablay ah oo saaran baabur ay ku fureen dhalinyaro Soomaali ah.

Mid kale oo ka mid ah dhalinyarada Soomaalida ah ee rasaasta lagu furay ayaa waxaa soo gaadhay dhaawac culus, waxaana uu haatanna ku jiraa xaalad miyir-beel ah.

Booliiska ayaa sheegay inaysan haatan cidna usoo qaban dilkaasi.


Bulshada Soomaalida ee Gobolka Minnesota ayaa si weyn uga argagaxay dilkii ugu dambeeyey ee loo gaystay mid ka mid ah dhalinyrada Gobolka.

Dilkan ayaa noqonaya kii afraad ee isla sannadkan gudihiisa loo gaysto qaar ka mid ah dhalinyarada Soomaalida ah ee ku nool gobolkaasi.

Axmed Yuusuf Jaamac oo ay walaalo yihiin wiilka la dilay ayaa idaacadda VOA uga warramay sida wax u dhaceen.

Waraysiga Axmed Yuusuf oo dhamaystiran ka dhegayso qaybta hoose ee boggan.

please wait

No media source currently available

0:00 0:03:26 0:00
XS
SM
MD
LG