Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kenya: 15 Sarkaal oo Shaqada laga Eryey


Wasiirka Amniga Kenya Joseph Ole Lenku ayaa shaqada ka eryey 15 ka mid ah saraakiisha sar-sare ee waaxda socdaalka kadib markii lagu eedeeyey inay dad ajaanib ah ay si sharci darro ah ku siiyeen waraaqaha aqoonsiga iyo baasaboorada dalkaasi.

Talaabadan ayaa ku soo beegmeysa xilli ay socdaan baaritaanada la xiriira weerarkii bishii la soo dhaafey lagu qaadey suuqa ganacsiga Westgate ee magaalada Nairobi.

Wasiirka ayaa sheegey in saraakiishaasi maxkamad la soo taagi doono, isagoo dhinaca kale ku darey in saraakiil cusub oo dowladda ka tirsanaa ay ka hawlgeli doonaan waaxda socdaalka si ay u beddelaan saraakiisha la eryey.

Saraakiisha cusub ayaa hawshooda waxay noqon doontaa dib u habeynta hawlaha waaxda socdaalka iyo ka hortagga musuqmaasuqa.

Wasiirku wuxuu kaloo ku dhawaaqey in dowladdu ay bilaabeyso baaritaano iyo dib u eegis lagu sameynayo waraaqaha aqoonsiga iyo baasaboorada laga bixiyey dalka labadii sanno ee la soo dhaafey, si loo hubiyo in si sax ah loo bixiyey iyo in kale.
XS
SM
MD
LG