Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mucaaradka Syria oo la Eedeeyay


Urur caalami ah oo u dooda xuquuqda aadanaha ayaa ku eedeynaya falaagada Syria inay geysteen dembiyo ka dhan ah aadminimada weerar ay dhowaan ku qaadeen goob ay haystaan ciidamada daacadda u ah Madaxweyne Bashar Al Assad.

Ururka Human Rights ayaa sheegey in ciidamada mucaaradka ay dileen ugu yaraan 190 qof oo rayid ah, iyagoo laba boqol oo kalena ay afduubeen, kuwaas oo u badan haween iyo carruur, intii uu socdey weerarkaasi bishii August ka dhacay gobolka Latakia.

Warbixin uu soo saarey ururkan oo xaruntiisu tahay magaalada New York, ayaa lagu xusey in ugu yaraan 67 qof si sharci darro ah loogu diley weerar lagu qaadey 10 ka mid ah tuulooyinka ay deggan yihiin Muslimiinta Shiicada ee Calawiyiinta oo daacad u ah Madaxweyne Assad. Warbixintu waxay sheegeysaa in kiisaska qaar, qoysas dhan la wada laayey.

Baaritaanka ayaa waxa kale oo lagu ogaadey in labaatan koox oo hubeysan ay ka qeyb qaateen hawlgalkaasi. Waxay Human Rights Watch sheegtey in shan kooxood oo Islaamiyiin ah ay si weyn ugu lug lahaayeen weerarkaasi, oo ay ku jiraan Jabhat Al Nusra, iyo Ururka Islaamiga ee Ciraaq.

Lama oga in kooxda ay reer galbeedka taageeraan ee Free Syrian Army ay ka qeyb qaadatey xasuuqan loo geystey dadka shacabka ah.

Sarkaalka Human Rights Watch ugu qaabilsan Bariga Dhexe, Joe Stork ayaa sheegey in tacaddiyada dhacay ay ahaayeen kuwo si habeysan loo soo abaabuley, horeyna loo sii qorsheeyey.
XS
SM
MD
LG