Isku xirrada

War Deg-Deg ah

London: Shir ku Saabsan Shidaalka Somalia


Shir caalami ah oo looga hadlayo arrimaha tamarta iyo shidaalka Somalia ayaa maanta ka furmey magaalada London ee dalka Britian.

Shirkan waxaa si wadajir ah u qabanaya dowladda Somalia iyo shirkada Soma Oil and Gas oo horey u gashey heshiis ay ku maamuleyso hawlaha shidaalka iyo gaaska Somalia.

Waxaa shirkan ka soo qeybgalaya oo kale dalal iyo shirkado ka kala socda caalamka oo daneynaya adeegyda shidaalka iyo tamarta Somalia.

Eng Yarow Sharif Aden oo ah khabiir ku xeel dheer arrimaha tamarta iyo macdanta, horeyna agaasime uga ahaa wasaaraddii macdanta ee Somalia ayaa VOAda uga warramay Goobaha laga heli karo shidaalka Somalia, isaga oo xusay in loo baahanyahay in dawladdu ka fiirsato shirkadaha ay heshiisyada la galasyo.

Waxa kale oo uu Tilmaamay in haddii shidaalka ku jira Somalia la soo saaro inuu wax badan ka qaban doono baahida taalla dalka.

Sidoo kale waxa uu khabiirku ka hadlay macdanta Somalia taalla iyo noocyada iyo waliba goobaha ay ku jirto

Waraysiga oo dhamaystiran halkan hoose ka dhegayso.

please wait

No media source currently available

0:00 0:07:53 0:00
XS
SM
MD
LG