Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kenyatta: Ciidankeenu Kama soo Baxayo Somalia.


Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa maanta ka sheegay magaalada Nairobi in ciidamada Kenya aysan ka soo bixi doonin dalka Somalia ilaa ay soo dhammeystirayaan shaqadii ay u tageen dalkaasi.

Mr. Kenyatta wuxuu sheegay in dalkiisu uu qeyb ka sii ahaanayo hawlgalka AMISOM ee Somalia, inkastoo toddobaadkii hore weerar khasaare balaaran dhaliyey lagu qaadey suuqa Westgate ee magaalada Nairobi. Weerarkaasi oo ay ku dhinteen dad ka badan 60 qof. ayaa waxaa mas'uulliyaddiisa sheegtay ururka al-Shabaab ee dalka Somalia.

Madaxweynaha Kenya ayaa sheegay in weerarkii Wastegate uusan cabsi galin doonin, isagoo sidoo kale xusay in kuwii weerarkaasi geystay ay ku guuldareysteen inay kala qeybiyaan Kenya.

Kenya ayaa ciidamo u dirtay dalka Somalia sannadkii 2011-kii, iyagoo jawaab u ahaa weeraro iyo afduubyo xad-ka-tallow ah oo lagu eedeeyey inay geysteen maleeshiyada ururka al-Shabab.



XS
SM
MD
LG