Isku xirrada

Saraakiil ka Socda DFS oo Beledweyne Booqday


Xildhibaano iyo Masuuliyiin ka socda Wasaarada Arimaha Gudaha ee Somalia ayaa gaaray magaalada Baledweyne si ay goobjoog uga noqdaan dhismaha goleyaal wakiilo iyo deegaan si ay iyaguna u soo doortaan maamulka gobolka Hiiraan iyo kuwa degmooyinka, xili gobalka intiisa badan aanu ku jirin gacanta dowlada.

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Cali Abtidoon Xalane oo ka mid ah xubnaha Baledweyne gaaray ayaa VOA uga waramay qorshaha dowlada ee maamul u sameynta gobalada dalka.

Wariayaha VOAda Xuseen Xasan Dhaqane ayuu u waramay.

XS
SM
MD
LG