Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Hardanka Miisaaniyadda Mareykanka oo weli Socda


Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa ugu baaqay xubnaha Aqalka hoose ee Congresska inay meel mariyaan miisaaniyadda dowladda, ka hor 12ka habeenino maalinta Isniinta ah ee soo socota, oo ku eg waqtiga kama dambeysta ah ee miisaaniyadda dowladda ay ku egtahay, si looga fogaado in qeyb ahaan shaqooyinka dowladda ay fariistaan.

Mr. Obama ayaa sheegay inuusan isu dhiibi doonin dalabka ka soo yeeraya qaar ka mid ah mudanayaasha Congresska ay ku doonayaan inay ku xagla daaciyaan barnaamijkiisa caafimaadka.

Hadda waxaa isha lagu wada hayaa aqalka hoose ee wakiilada ee Congresska oo arintan ka fariisan doona maanta oo Axad ah.

Wariyaha VOAda uga soo warama arimaha Congresska Cindy Saine ayaa warbixintan inoo diyaariyay.

Waa kan Maxamed Colaad Xassan oo inoo soo kooba.

please wait

No media source currently available

0:00 0:05:39 0:00
XS
SM
MD
LG