Isku xirrada

QM:Syria Waa Inay Burburisaa Hubkeeda Kiimikada

  • Mohamed Olad

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa cod buuxa ku ansixiyay Qaraar ku Amraya Syria inay bur buriso hubkeeda Kiimikada ah, heshiiskan ayaa waajib uga dhigaya Syria inay sidaasi yeesho.

Codeyn ay 15 xubnood ee Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ay u qaadeen Qaraarkan oo dhacday gelinkii dambe ee Jimcihii shalay ayaa soo afjareya todobaadyo dadaal diblomaasiyadeed oo culus ay ku jireen Rushka iyo Mareykanka.

Qaraarkan ayaa ku saleysan heshiis ay labadan wadan ka gaareen arinta hubka Kiimikada ee Syria, heshiiskaas oo ka dhacay magaalada Geneva horaantii bishan, ka dib markii gaaska sunta ah ee "Sarin" loo yaqaan loo adeegsaday weerar ay boqolaal qof ku dhinteen meel ku dhow caasimadda Syria ee Dimishiq.

Heshiiskaasi Mareykanka iyo Ruushka ayaa baajiyay talaabo Milatary oo uu Mareykanku doonayayay inuu ku ciqaabo xukumadda Madaxweyne Bashaar Al-asad oo ay Washington ku eedeeysay weerarkaasi dhacay bishii Agust ee aynu soo dhaafnay.
XS
SM
MD
LG