Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Baaqyada Madaxda Dunida iyo Weerarkii Westgate


Hogaamiyeyaasha dunida ee ka qeybgalaya kulanka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee ka socda New York ayaa ku baaqayay jawaab wada jir ah oo laga bixiyo weerarada argagixiso ee Africa, ka dib weerarkii ay ugu ku dhinteen ugu yaraan 67 qof ee dhawaan ka dhacay dalka Kenya, kaasoo ay sheegatay kooxda al-Shabab.

Weerarkii lagu qaaday Dhimsha Ganacsiga ee Westgate ee Nairobi ayaa mar kale indha caalanka ku soo jeediyay baahida loo qabo in guul laga gaaro dagaalka ka dhanka ah argagixisada caalamiga ah.

Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa sheegay inuu hogaamiyeyaasha Africa uu kala shaqeynayo sidii loo baabi’in lahaa shabakadaha argagixisada.

Madaxweynaha Nigeria Goodluck Jonathan ayaa sheegay in loo baahanyahay in dagaalka argagixisada ka dhanka ah in dunidu ay u midowdo.

Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud ayaa shirkaasi ka sheegay in al-Shabab ay haliss qaran ku tahay Somalia, laakiin saameynta ka dhalata ficiladeeda guracan inaysan ku koobneyn Somalia oo ay halis ku hayaan amaanka gobolka oo dhan iyo guud ahaan dunnida. Madax kale oo badan ayaa hadalo kuwaasi la mid ah ka jeediyay shirka, ha ugu badnaadaane madaxda dalalka galbeedka iyo bariga Africa oo argagixisadu ay halis weyn ku heyso.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Kimoon ayaa sheegay inuu aaminsanyahay in kuwii ka masuulka ahaa weerarkii ka dhacay Westgate Sharciga la hor keeni doono.

Dhinaca kale culumada Muslimiinta Kenya iyo kuwa somaliyeed ayaa si weyn u cambaareeyay dhacdadii Westgate, waxeyna ku baaqeen in loo midoobo sidii la isaga difaaci lahaa kooxaha argagixisada ee ku qaraabanaya magaca Islamka, isla markaana doonaya in diinta Islamka iyo dadka aaminsanba ay burush wasaqeysan Mariyaan.
XS
SM
MD
LG