Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Baaritaan ka Bilowday Suuqa Westgate


Khubarada dambi-baadhista ee Kenya iyo kuwa shisheeye ayaa baadhis ku wada burburka suuqa Westgate iyada oo la filayo in tirada dhimashada sii korodho.

Ugu yaraan 67 qof ayaa la xaqiijiyay illaa imika inay ku dhinteen weerarkaasi, laanqayrta cas ee dalka Kenya ayaa sheegtay in la laayahay 70 qof

Shaqaalaha gurmadka ayaa burburka hoostiisa baaraya bal in laga heli karo dad badbaaday.

Dhinaca kalena miltariga dalka Kenya ayaa weli xaqiijinaya in qaar kamid ah dablaydii weerarka gaystay ay wali ku dhex dhuumanayaan gudaha suuqa.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Kenya Joseph Ole Lenku ayaa ugu baaqay dadweynuhu inay is dejiyaan iyada oo wali la baadigoobayo haybta dadka weerarka gaystay, waxaana baadhista ka qayb qaadanaya saraakiil ka socoda wadamada Maraykanka, Britain, Israel, Germany, Canada and iyo booliska caalamiga ah ee Interpol.
XS
SM
MD
LG