Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Khudbadda Obama ee Shirka Qaramada Midoobay


Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa khudbad u jeediyey madaxda caalamka ee ka qeybgaleysa shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay. Waxaa uu sheegey in dunida ay haatan xasilooni badan ka jirto marka la barbardhigo shanti sanno ee la soo dhaafey, walow ay weli khatar jirto.

Waxaa madaxweynaha uu ka Hadley xaaladda Syria, dadaalada nabad raadinta Bariga Dhexe, barnaamijka nuclearka Iran iyo weliba weerarkii argagixiso ee dhowaan lagu qaadey suuqa ganacsiga Westgate ee magaalada Nairobi.

Khudbada Madaxweyne Obama waxaa ka horeeyey hadal ay jeedisey Madaxweynaha Brazil, Dilma Rousseff, oo mar kale ku celisey walaaca waddankeeda uu qabo ee ku saabsan in Mareykanka uu Brazil si hoose uga fuliyo hawlo sirdoon ah.

Khubadan ayaa lagu tilmaami karaa mid gaar u aheyd bariga dhexe si weyn ugu wajahneyd wuxuu ka hadlay Muranka la xiriira Hubka Nuklearka ee Iran, Xaaladda Syria iyo Hubkeeda Kiimikada ah, iyo arinta Isreal iyo Falastiiniyiinta.

Madaxweynaha ayaa si weyn uga hadlay arinta Syria ayaa sheegay in Mareykanka uusan u dulqaadan karin adeegsiga hubka Halista ah sababtaasina ay tahay sababta Mareykanka uu u doonayo inuu jawaab military uga bixiyo, hadii aan la xaqiijin in hubkaasi aan mar kale loo adeegan dad rayid ah.

“Uma dulqaadaneyno buu yiri Sameysashada ama adeegsiga hubka Halista ah, taasina waxey aheyd sabata aan adeegsiga hubka kiimikada ah ee Syria ugu aragno inay halis ku tahay danaheena Qaran, waxaan si taasi la mid ah uga soo horjeednaa sameysashada hubka nuclearka oo gobolkaka dhalin kara tartan dhinaca hubkaasi halista ah, isla markaana wiiqaya heshiiska caalamiga ah ee mamnuucaya faafista hubkaasi halista ah”

Madaxweyne Obama ayaa mar kale ku hanjabay in dowladiisa ay talaabo military ka qaadaneyso halis kasta oo bariga dhexe ka jirta oo uu u arko inay dhibaato ku keeneyso danaha Mareykanka iyo saaxibadii.

“Mareykanka wuxuu diyaar u yahay inuu adeegsado awood kasta oo uu heli karo, oo awood milatarina ay ku jirto, si aan u difaacno danaheena gobolka. Waxaan ka hortageynaa oo aan wajaheynaa gardarro kasta oo saaxibadeena gobolka ka soo wajahda dibadda, sidii aan yeelnay dagaalkii Khaliijka”

Madaxweyne Obama ayaa ka hadlay colaadda iyo kala shakiga mudada dheer ka dhex taagnaa Mareykanka iyo Iran iyo rajooyinka weli laga qabo in xal diblumaasiyadeed lagu xaliyo Muranka hubka Nuclearka ee Iran.

Madaxweyne Obama waxa uu sheegay in Mareykanka iyo Iran midba kan kale uu u arko cadow.

“U maleyn Maayo in murankan xidideystay habeen qura lagu xalin karo, kala shakigu meel xun ayuu gaaray, laakiin waxaan aaminsanahay hadii xal loo helo barnamika hubka Nuclearka ee Iran, in taasi ay talaabo weyn oo bilow ah u noqon karto, xiriiro kala duwan oo na dhex mara mustaqbalka, hadey ahaan laheyn mid ku saleysan danaha labada dowladood, iyo id ku saleysan isqadarin”

Waxaa uu sheegay Obama inuu dheerigelinayo wada hadal dhex mara Madaxweynaha Cusub ee Iran iyo Mareykanka, si looga faa’ideyso fursadaha diblomaasiyadeed ee weli la heli karo.

“Waxaan Cadeynayaa buu yiri inay na dhiirigelineyso in Madaxweyne Rowxani uu ogolaansho ka helo shacabka Iran, uu ku amba qaado talaabooyin qunyar socodnimo ah, anigoo ka shidaal qaadanaya hadalkii Madaxweyne Rowxaani ka soo yeeray ee ahaa inuu doonayo inuu xal diblomaasiyadeed u horseedo Iran, waxaan u jiheeyay xoghayaheega Arimaha dibadda John Kerry inuu dadaalkan kala shaqeeyo Iran, isagoo dhinaca kale kaashana Midowga Yurub”

Madaxweyne Obama ayaa sidoo kale Khudbadiisa ku soo hadal qaaday Argagixisada dunida iyo dadaalka Mareykanka ee ku Wajahan sidii gacan looga siin lahaa dalaka ay dhibaatada sida gaarka ugu hayaan.

Waxuu soo hadal qaaday Galbeedka iyo Bariga Africa

“Dalka Mali Waxaan taageero u fidinay howlgalkii ciidamada Faansiiska ee hor joogsaday isfidintii Alqacida buu yiri, iyo ciidamada African ee Amaanka sugaya halkaasi.

Bariga Africa waxaan dowladaha gobolka gacan ku siineynaa sidii dhibaatada Jabhadda LRAda loo soo afjari lahaa, waan ogahay in dhaleeceyn badan ay ka jirto arinta Libya iyo howlgalkii isbaheysiga Nato, iyagoo cuskanaya amaan darro ka jirta dalkaasi, iyo dilkii Safiirkii Mareykanka ee Benghasi, laakiin waxaan xaqiijinayaa in howlgalkaasi la’aantiis Qadaafi uu sii wadi lahaa leynta dadkii isla markaana Libya ay gali laheyd dagaal sokeeye”

Madaxweyne Obama ayaa ku hanjabay mar kale in xitaa marka danaha Mareykanka aysan qatar ku jirin aysan iska daawan karin xasuuq la geysanayo iyo xuquuqda aanaha oo lagu xad gudubayo.

“Xitaa marka danaheena aysan halis ku jirin ma daawan karro xasuuq la geysanayo iyo xuquuqda Aadanaha oo meel looga dhacay, hadana waxaan idiin xaqiijinayaa, in culeyskaasi uu yahay mid mareykanka oo kaliya uusan qaadi karin oo u baahan iskaashi beesha caalamka ay ka yeelato”

Waxaa jira warar kale oo ay qorayaan qaar ka mid ah warbaahinta Mareykanka oo sheegaya in Madaxweyne Obama laga yaabo inay is arkaan Madaxweynaha Iran Xassan Rowxani oo isna ka qeybgalaya kulankan Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay, laakiin saraakiisha Aqalka cad ayaa ku gaabsaday in aan meesha laga saari karin in Obama uu Rowxani la fariisan doono marka ay ku haboontahay ee ay suurtagasho.
XS
SM
MD
LG