Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kenya: Dhibtii Westgate oo wali Taagan


Wararka ka imanaya dalka Kenya ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka ee Kenya ay u muuqato inay bilaabeen weerar ay doonayaan inay dib ugu qabsadaan suuqa ganacsiga ee Westgate ee ku yaala bartamaha magaalada Nairobi.

Suuqa ayaa tan iyo maalintii Sabtida waxay gacanta ugu jirtey rag hubeysan oo la sheegey inay ka tirsan yihiin ururka Al Shabab.Waxaa la maqlayey is-rasaaseyn iyo qaraxyo waaweyn, iyo weliba qiiq ka soo baxaya dhismaha.

Sarkaal u hadley ciidamada booliska ayaa sheegey in ciidamada amaanka ay soo furteen qaar ka mid ah dadkii ay meesha ku haysteen dadkii weerarka soo qaadey.
In ka badan 69 qof ayaa dhintey in ka badan 170 way ku dhaawacmeen.

Dhageyso warbixin iyo wareysi arrintaas ka hadlaya

please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:08:43 0:00
XS
SM
MD
LG