Isku xirrada

Dhimashada Weerarkii Nairobi oo Kor u Kacday


Madaxweynaha Kenya Uhurru Kenyatta oo dadka reer Kenya la hadlay ayaa sheegay in dhimashadu ay hadda gaartay 39, halka dhaawacuna uu gaarayo 150 qof.

Dhinaca kale ururka Alshabab ee Somalia ayaa sheegtay weerarkii dhacay. Afhayeenka ururka Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) ayaa sheegay in weerarku uu aargoosi u ahaa falalka ay ciidamada Kenya ka sameynayaan Somalia.

Warbixino dheeraad ah oo ku saabsan weerarkii Nairobi, kala soco VOA.
XS
SM
MD
LG