Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Rabshado ka Dhacay Ceerigaabo


Rabshaddo ka Dhacay Ceerigaabo
Rabshaddo ka Dhacay Ceerigaabo
Ugu yaraan 8 qof ayaa ku dhaawacantay rabshdo xalay ka dhacay magaalada Ceerigaabo.

Rabshadahan ayaa ka dhashay mudaaharaad looga soo horjeeday lacagta Somaliland oo lagu bedelayay shilin soomaaligii hore.

Guddoomiyaha gobolka Sanaag ee Somaliland Axmed Muxumad Geelle (Dacar) ayaa VOAda u sheegay in bannaanbaxu uu bilowday habeenkii xalay kaasi oo markii dambe rabshado isku bedelay kadib markii qaar ka mida dhalinyarada bannaanbaxa waday ay iska hor yimaadeen ciidamada booliska.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in xaaladdu ay deggantahay maanta, isla markaana ay bandow ku soo rogeen isku socodka habeenkii si loo sugo ammaanka.

Waraysiga guddoomiyaha Sanaag ka dhegayso qaybta hoose ee boggan
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:10 0:00
XS
SM
MD
LG