Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Golaha Amaanka oo Somalia ka Hadlay


Xubnaha Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa soo dhaweeyay heshiis dhawaan dhexmaray dowladda Somalia iyo Maamulka KMG ah ee Jubba, waxeyna amaan u soo jeediyeen dowladda Ethiopia, urur Goboleedka IGAD iyo Xafiiska Qaramada Midoobay ee Somalia ee UNSOM, doorka ay ku leeyihiin fududeynta wada hadalada Somalida dhexdooda ah.

Golaha amaanka ayaa si weyn uga hadlay ahmiyadda ay leedahay in dhamaan dhinacyadii heshiiska gaaray ay hirgeliyaan, isla markaana laga fogaado wax kasta oo wiiqi kara amaanka, nabadgelyada iyo dib u heshiisiinta Somalia, loona hogaansamo xayiraaddii ay Qaramada Midoobay ku soo rogtay, dhoofinta dhuxusha Somalia.

Xubnaha Golaha ayaa sidoo kale ku nuux nuuxsaday ixtiraamka ay u hayaan qaranimada iyo madaxbanaanida dhuleed, midda siyaasadeed iyo midnimada Somalia.

Goluhu wuxuu dhinaca kale cambaareeyay weerarkii ay Al-shabab ka geysteen makhaaxi ku taala magaalada Muqdisho 7dii bishan iyo kii 12ki bishan ay ku qaadeen hogaamiyaha Maamulka Jubba magaalada Kismayo. Waxeyna dowladda Somalia iyo shacabka Somaliyeedba uga tacsiyeeyeen dadkii ku geeriyooday weeraradaasi arxan darada ahaa.

Ugu dambeyntii golaha Amaanka ayaa amaan u soo jeediyay hogaanka dowladda Federalka ee Somalia sida uu xiriirka joogtada ah ula leedahay beesha caalanka iyo somalidaba, waxeyna ugu baaqeen dowladda inay ilaaliso xuquuqda Aadanaha.

Golaha Amaanka ayaa hadalkan ku sheegay war saxaafadeed uu soo saaray ka dib markii uu shalay warbixin xaaladda Somalia ku saabsan ka dhageystay ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee Somalia, Nicholas Kay, iyo Ergayga Gaarka ah ee Midowga Africa ee Somalia Ambassador Mahamat Saleh Annadif.
XS
SM
MD
LG