Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweyne Xasan iyo Ashton oo Qoraal soo Saaray


Madaxweyne Xasan Sheekh
Madaxweyne Xasan Sheekh
Madaxweynaha Somalia Xasan Sh.Maxamuud iyo Madaxa siyaasadda arrimaha dibedda ee Midowga Yurub Catherine Ashton ayaa si wadajir ah u soo saaray war qoraal ah oo hordhac u ah shirka Hiigsiga cusub ee Somalia.

Qoraalkan ayaa ku soo beegmaya iyadoo 16ka bishan lagu wado in magaalada Brussels ee dalka Biljamka uu ka dhaco shirka caalamiga ah ee Hiigsiga cusub ee Somalia.

Labada hoggaamiye ayaa xusey in isbedelada waaweyn ee dalka ka dhacayey ay muujinayaan sida Somalia iyo beesha caalamka ay uga go’an tahay in dalka si buuxda looga saaro dagaalada sokeeye iyo saboolnimada, lana gaarey xilligii la dhaqan gelin lahaa barnaamijyo dib u dhis iyo taageero loo fidiyo dadka Soomaaliyeed, iyo weliba in xasilooni buuxda dalka lagu soo dabbaalo.

Warka qoraalka ee Madaxweyen Xasan iyo Catherine Ashton, waxaa lagu sheegey oo kale in ololaha milateri ee ay horkacayaan ciidamada Midowga Afrika (AMISOM) iyo ciidamada qaranka Somalia ay horseedeen in Al Shabab laga saaro goobo badan oo ay gacanta ku hayeen.

Weerarada burcad badeedka ayaa hoos u dhacay ilaa 93 % labadii sanno ee la soo dhaafey, sanadkana ma jirin xitaa hal weerar oo ay burcaddu ku guuleysteen inay ku qafaashaan maraakiibta marta xeebaha Somalia iyo gacanka Cadan.

Waxaa madaxda Somalia iyo EU ay isla qireen in weli argagixisadu ay weeraro geysanayaan, iyagoo khatar ku ah nolosha, nabadgelyada iyo xasiloonida dalka.

Laakiin waxay dhanka kale xuseen in Soomaali badan ay dib ugu laabanayaan dalka si ay gacan uga geystaan maalgashiga iyo dib u dhiska, sidaa darteedna loo baahan yahay in EU iyo beesha caalamka ay ku taageeraan hawshan muhiimka ah ee ay qabanayaan.

Waxay kaloo sheegeen Mr Xasan iyo Ashton in taageero loo fidiyo Somalia ay gacan ka geysaneyso in hay’adaha dowlga ay soo diyaariyaan dal leh nidaam federali ah oo horseedaya in doorshooyin asxaab badan oo dimoqraadoyadeed ay ka dhacaan Somalia sannadka 2016.
XS
SM
MD
LG