Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Cumar Xamaami oo lagu Dilay Somalia


Dilka Xamaami


Cumar Xamaami oo ah Mareykan ka baxay Alshabaab ayaa la sheegey in ay dileen maleeshiyaad ka tirsan ururkaas.

ilo wareedyo ayaa u sheegey VOAda in Omar Xamaami uu dhintey saaka oo khamiis ah, ka dib markii ay maleeshiyaad hubeysan soo weerareen goob uu ku dhuumaaleysanaayey oo ku taala duleedka Baardheere.

maleeshiyadan ayaa dishey sidoo kale laba qof oo uu ku jiro Osama Al Britaini oo ah muwaadin British ah balse asal ahaan ka soo jeeda Pakistan.

Al Amriki oo ahaa 29 jir ayaa u sheegey VOAda todobaadkii hore inuu xariga u jarey Mokhtaar Abu Zubeyr, isagoo sheegey in uusan raaceynin shuruucda asaasiga ah ee Islaamka.

waxuuna ku eedeeyay hogaamiyaha al-Shabab inuu u soo jeestay inuu cadiidiyo muslimiinta si uu isagu u maamulo Somalia. Al Xamaami ayaa sheegey in Alshabaab ay isku dayeyso in ay disho isaga, isagoo sheegey inuu wali isku arko inuu yahay argagixiso.

Al xamami oo ay Alshabaab dhexdeeda looga yaqaano Al Amriki ayaa u safrey Somali sanadkii 2006da ka dib markii ay xoogaga Ethiopia faragalinta ku sameeyeen Somalia, waxa uu ku biirey ciidamda furimaha ka dagaalama , isagoo noqdey hogaamiye ka tirsan ALshabaab.

Mareykanka ayaa Xamamai dul dhigey 5Million oo doolar cidii keenta warbixin lagu soo qaban karo.

Omar Shafik Hammami, waxa uu ahaa muwaadin Maraykan ah horeyna u degganaa Gobolka Alabama. Maraykanku waxay ku dareen liiska dadka ay sida aadka ah u doonayso hay’adda FBI-da bishii Noovember sanandkii 2012-ka waxaana lagu eedeeyey inuu halis ku ahaa nabadda iyo degganaanshaha Soomaaliya iyo wakiil ahana ugu hadlay al-shabab isgaoo taageerana u fidiyey.

Dawladda Maraykanka ayaa Cumar Xamaami u tixgelinaysay inuu yahay argagxiso, waxayna madaxiisa saartay lacag 5 milyan oo dollar ah.
waxeyna ka bixisay Jawaabtan markii uu ku sheegay Xamaami wareysigii ay VOAda la yeelatay inuu ka baxay al-Shabab sidan

Hoos ka aqri Qoraalka Jawaabta Mareykanka


Maraykanku waxay sheegtay in loo haysto Xamaami eedo la xidhidha argagixisada, sidaa daraadeedna uu weli doon doonayo. Hadalkan ayaa ka dmabeeyey waraysi uu malaintii Talaadada ee toddobaadkan siiyey idaacadda VOA.


Warka kooban ee ay dowladda Mareykanka kaga jawaabtay hadalka Xamaami ayaa lagu yiri Cumar Shafik Xammami, waa muwaadin u dhashay Mareykanka oo Somalia tagay isagoo ay ka go’oneyd inuu ku biiro ururka Al-shabab.

Waxaa uu ku eedeysanyahay inuu gacan weyn ka siiyay Al-shabab, oo uu Mareykanka u aqoonsanyahay argagixiso, howlgaladii mulatary iyo ololiha dacaayadaha kooxda ee dhinaca warbaahinta.

29kii Bishii July sanadkii 2011kii, ayey dowladdda Mareykanka ku dartay Xamaami liiska dadka Marykanka u dhashay ee loo doon doonayo falalka argagixis, ee marka la soo gaabiyo loo yaqaan SDN)

Qodobka sharci ee loo cuskanyo Liiskaasi ee tirsigiisu yahay -13536- ayaa faraya in laga mamnuuco oo laga xanibo hantida, shaqsiyaadka u dhashay mareykanka, ee macaamil maaliyadeed la sameeya, si toos ah iyo si aan toos aheynba – shaqsiyaadka ama hay’adaha falalkooda ay si toos ah halis ugu hayaan nabadda, iyo xasiloonida Somalia.

Mr. Xammami waxaa lagu daray liiskaasi shaqsiyaadka loo aqoonsaday inay halis ku yihiin nabadda Somalia, sida ku xussan qodob sharciyeedka mareykanka ee tirsigiisuyahay – 13536- iyo inuu sidoo kale taageeray ururka Al-shabab, oo sida ku xussan xeerka numbarkiisu yahay 13226- Mareykanku uu u aqoonsanyahay urur Argagixiso oo shisheeye.

Wasaaradda Arimaha Dibadda ee Mareykanka barnaamijkeeda – lacagta kubixiya soo qabashada dadka loo doo doonayo cadaaladda – ee marka la soo gaabiyo la yirahdo (RFJ) ayaa lacag gaareysa 5 malyuun oo dollar dul dhigay madaxa Xamaami, taasoo abaal marin ahaan loo siinayo cidii soo sheegta war horseeda in la soo qabto Cumar Xamaami.

Warkan ka soo baxay dowladda Mareykanka ayaa sidoo kale lagu xussay aragtida safaaradaha mareykanka ee ku howlan isku duwidda wararka ku aadan soo qabashada ragga xamaami oo kale ah.

Waxaa lagu sheegay warbixintan in Xamaami uu yahay nin xeer beeg maxkamadeed oo Mareykan ah ay eedo ku soo oogeen, sidaa daraadeena mareykanku uu weli daneynayo, helista wararka ku aadan sidii loo soo qaban lahaa.
Warbixitan waxaa gebagabadii lagu yiri,

Wasaaradda Arimaha Dibadda waxey adeeg safaaradeed u fidisaa muwaadiniinta Mareykanka marka ay la soo xiriiraan safaaradahaasi, waa hadii ay xaq u leeyihiin in adeegaasi loo qabto.

Hadii Xamaami uu nala soo xiriiro, waxaan u fidin doonaan caawimaadaas sida uu qabo sharciga mareykanka iyo xeerarka u degsan.

Hadii aad rabtid inaad Aqriso warbixintan oo English ah guji Linkiga hoose.


http://www.state.gov/r/pa/prs/ps/2013/03/206565.htm

See below links including Interview with Omar Hammami by Harun Maruf of the VOA Somali Service.The interview was conducted on September 3, 2013.


please wait

No media source currently available

0:00 0:15:00 0:00

please wait

No media source currently available

0:00 0:29:09 0:00
XS
SM
MD
LG