Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Obama oo ka Hadlay Arrinta Syria


Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa sheegay inuu ka codsaday Congresska inay dib u dhigaan codayntii loo qaadayay weerarka maraykanku doonayay in Syria lagu qaado.

Madaxweyne Obama ayaa sidaas ku shaaciyay khudbad dhinaca tilifishanka ah u jeediyay shacbka Maraykanka.

Khudbadan ayaa ahayd mid uu uga hadlay mawqifka dawladdiisa ee ku aaddan hubka kiimikada ah ee lagu eedeeyay maamulka Syria inuu u adeegsaday dad rayid ah.

Waxaanay ahayd Khudbadan mid si weyn ay u wada sugayeen dadweynaha Maraykanka, iyada oo ku soo beegantay kadib markii ay maamulka Syria ay ogolaadeen qorshaha uu soo bandhigay Ruushka kaasi oo dhigaya in Syria hubka kiimikada ay ku wareejiso beesha caalamka.

Hoos ka dhegayso khudbadda madaxweynaha iyo faallo ku saabsan.

please wait

No media source currently available

0:00 0:14:43 0:00
XS
SM
MD
LG