Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kal-fadhigii 3aad ee Baarlamanka oo Furmay


Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kal fadhiga 3aad ee Baarlamanka Somalia ayaa khudbad uu ka jeediyay kaga hadlay wax qabadkii kal fadhiyadii hore ee baarlamanka, kan dowladda mudadii sanadka aheyd uu uu xukunka hayay, caqabadihii la soo gudboonaaday iyo waxa haatan horyaala ee laga doonayo baarlamanka iyo dowladaba inay ka gudbaan.

Madaxweynaha ayaa ku booriyay xubnaha baarlamanka inay ilaaliyaan midnimada isla markaana ay ka shaqeeyaan howlaha hor yaala, si buu yiri Somalia loo gaarsiiyo doorasho xor ah oo qof walba codkiisa dhiibto.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale soo hadal qaaday horumar uu sheegay in dowladiisu ay ka gaartay, dhinacyada Amniga, horumarinta hay’adaha dowladda iyo xiriirka caalamiga ah.

Waxuuna Madaxweynaha Rajo ka muujiyay mashaariic dib loogu dhisayo jidadka caasimadda laguna horumarinayo oo uu sheegay inay dhawaan bilaaban doonaan.
XS
SM
MD
LG